Maxkamad ku taal Nairobi oo amartay in xabsiga lagu sii hayo la tuhme loo heesto afduubka dhaqaatiirta Cuba

Darawalka waday gaariga ay saarnaayeen dhaqaatiirta Cuba oo lagu afduubtay todobaadkii hore magaalada Mandera ayaa la amray in xabsiga lagu hayo 15 maalin.

Garsooraha Muthoni Nzibe ayaa u ogolaaday ciidanka la dagaalanka argagixisada Kenya in mudada ay hayaan Isaaq Ibraahin Elbow in ay ku sii hayaan saldhig ku yaal magaalada Nairobi.


Ciidanka la dagaalanka argagixisada ayaa ku tuhmaya darawalkaan in uu lagu tuhmayo Assel Herera Correa iyo Landyz Rodrigues.


Mr Isaaq ayaa dhanka kale lagu tuhmay in uu xiriir la lahaa kooxda afduubatay dhaqaatiirta iyo darawalka.


Dhanka kale waxaa wali socda baadi goobka loogu jiro dhaqaatiirtaan loola soo dhaqaaqay gudaha dalka gaar ahaan xadka gedo iyo Mandera ay Wadaagaan

Faallooyin