Trump oo Nancy Pelosi ku dhaliilay difaacida Ilhaan Cumar

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhaliilay afhayeenka baarlamaanka aqalka Congress-ka talaabada ay ku difaacday Ilhaan Cumar.


Mr Trump ayaa sheegay isniinta maanta in wax wanaagsan aysan aheyn difaaca Nancy Pelosi ee ka dhanka ah Isaga.

Gudoomiye Nancy ayaa muuqaal axadii uu soo dhigay Trump oo ka dhan ahaa Ilhaan ku tilmaantay mid lagu kala qeybinayo Shacabka Mareykanka.


Haweeneydaan ayaa dhanka kale sheegtay in wax laga xumaado ay tahay in madaxweynaha uu dhibaato soo gaartay shacabka sanadkii 2011 weerarkii New York uu u adeegsado ololaha doorashada ee 2020-ka.

Faallooyin