Ivanka Trump oo booqasho uga bilaabatay Afrika

Gabadha uu dhalay madaxweyne Trump oo lagu magacaabo Ivanka ayaa ka degtay dalka Itoobiya iyada oo booqan doonto xarumaha ay ka shaqeeyaan hablaha.

Mashruuca hormarinta dumarka ayaa waxaa ka faa,ideysan doona 50 million oo haween ah oo ku nool qaarada Afrika marka la gaaro sanadka 2025-ta.


Ivanka Trump ayaa meelaha sida gaar ka ah ay u booqan doonto waxaa ka mid ah shirkadaha soo saara coffee ga oo dumarka ka shaqeeyaan.


Mashruucaan oo la daahfuray bishii Febraayo ayaa ujeedadiisa tahay sidii xirfado shaqo loogu tababaro dumarka si nafsadooda ay u Caawiyaan.


Fulinta qorshaha mashruuca xirfadaha shaqo loogu abuurayo ayaa waxaa ku baxeysa 50 million oo dolar iyadoo 38 million oo ka mid ah uu bixinayo sanduuqa hormarinta gargaarka dibeda Mareykanka ee loo yaqaan USAID.


Afarta maalin oo ay jeegto Ivanka Trump qaarada afrika ayaa waxay sidoo kale booqan doontaa dalka Ivory Coast.

Faallooyin