Donald Trump oo wali wada dhaleeceyn-ta Ilhaan Cumar

Siyaasiyiinta iyo ururada bulshada Mareykanka ayaa garab istaag u muujiyay marwo Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka congress-ka kadib markii madaxweyne Trump uu barta uu ku leeyahay Twitter-ka uu ku weeraray Haweeneydaan.


Muuqaalka Trump oo ahaa mid la soo jarjaray ayuu ku sheegay in Ilhaan aysan waxba ka soo qaadin weerar-kii mataanaha ahaa ee 11 September ee 2011-kii lagu qaaday Mareykanka.


Qaar ka mid ah hogaamiye yaasha Mareykanka ayaa Trump ku sheegay in uu yahay Islaam naceyb iyo aflagaado ka dhan ah Gabadhan soomaali Mareykanka ah.



Shaqsiyaadka difaacayay Ilhaan ayaa tilmaamay in hadalka Trump uu halis galin karo Nolosha haweeneydaan ka tirsan aqalka Congress-ka.


Ilhaan oo ka qudbad ka jeedineysay shirka golaha muslimiinta Mareykanka ayaa sheegtay in markii uu dhacay weerarkii daaraha ganacsi ee magaalada Newyork wixii ka danbeeyay ay muslimiinta lumiyeen xuquuqdii ay ku lahaayeen gudaha Mareykanka.


Waxay tilmaantay in tan iyo xiligaas ay ku dadaaleysay in muslimiinta Mareykanka ku nool ay helaan xuquuqda ay ku leeyihiin waxaana ay ugu baaqday in si sharci ah uu shaqsi kasta ugu doodo xaqiisa.


Ilhaan ayaa intaa ku dartay in waqti dheer ay dabaqada labaad ay ku jireen iyaga oo falal tuhun ah iyo isir naceyb lagula dhaqmo marar-ka Qaar.


Waa markii labaad oo mudo bilo ah uu Trump weerar afka ah ugu qaado Ilhaan Cumar Isaga oo horay ugu baaqay in ay iscasisho gabadhan ka tirsan xisbiga Dimuquraadiga.

Faallooyin