Madaxweyne Haadi oo shir gudoomiyay kulan ay yeesheen baarlamaanka Yemen

Madaxweynaha caalamka aqoonsan yahay ee dalka Yemen Cabdi Rabbu Mansuur Haadi ayaa booqasho ku tagay dalka colaada ka jirto ee Yemen.

Mr Haadi ayaa kulan la qaatay xildhibaanada baarlamaanka ee kala Qeybsan.


Madaxweynaha dibad jooga ah ee ku nool Yemen ayaa maanta shir gudoomiyay xildhibaanada ku sugan magaalada Sayoon ee bariga Yemen oo dowladiisa Maamusho.


War ka soo baxay dowlada ayaa lagu sheegay in 141 ka mid ah 301 xildhibaan ay goob joog ahaayeen waxaana looga hadlay arimo ay ka mid tahay nabad Gelyada.

Xukuumada Hadi oo la yagleelay sanadkii 2013-kii ayaa waxaa carqaladeeyay dagaalada xoogan oo mucaaradka xuutiyiinta taasi oo keentay in lagala wareego gacan ku heynta magaalada Sanca ee Caasimada Yemen.

Faallooyin