Dalalka midowga Yurub oo kala qeybsaday Qaxooti ku sugan Malta

Tiro qaxooti magangalyo doon ah oo tan markii laga soo badbaadiyay 10 maalin ka hor bada Mediterranean doon ay la socdeen ayaa afar dal oo Yurub ah waxay ku heshiiyeen in ay kala qeybsan Doonaan.


Dhamaan 62 ruux ee la socday doonta Alan Kurdi ayaa waxaa qaadan doona dalalka kale ee Yurub,sida uu bartiisa Twitter-ka ku xaqiijiyay sabtida maanta Ra'isul wasaaraha Malta Joseph Muscat.


Waxuu intaa ku daray in 62 ruux midkoodna uusan ku sugnaan doonin Malta maadama aysan heysan meel ay gabaad ka Dhigtaan.


Wasiirka Arimaha gudaha Faransiiska Christophe Castaner ayaa Jimcihii shalay sheegay in xukuumada Paris iyo dalal kale oo Yurub ah ay caawimaad u fidin doonaan soo galootigaan oo 12 ka mid ah yihiin haween iyo caruur da'dooda u dhaxeyso 1 ilaa lix sano Jir.



Wadamada Faransiiska Jarmalka Luxemburg iyo Burtaqiiska ayaa la filayaa in dadkaan ay Gaaraan.

Faallooyin