Sacuudiga oo malaayiin doolar ku bixiyay dagaalka ka socda Liibiya

Boqortooyada sacuudiga ayaa la sheegay in ay doorweyn ku leedahay dagaalka xoogan ee u dhaxeeya dowlada iyo mucaaradka Liibiya.


Wargeys-ka Wall Street Journal ayaa qoray in Jenaraal Khalifa Haftar lacag 10 million oo doolar kor u dhaafeysa ay siisay boqortooyada maalmo ka hor inta uusan dagaalka bilaaban.


Haftar ayaa dhaqaalahan helay kadib booqasho uu ku tagay magaalada Riyaad deetana uu ku dhawaaqay 4-tii bishan April dagaal ka dhan ah xukuumada fadhigeedu yahay Tripoli.


Ilo ka tirsan la taliye yaasha sacuudiga ayaa wargeyska Wall Street u sheegay in Haftar uu aqbalay dalabka sacuudiga si uu colaad uga huriyo dalka uu ka soo jeedo ee Liibiya.



Dhaqaalaha Sacuudiga ayaa loo adeegsan doonaa in lagu soo jiito odayaasha qabaa,ilka mushaarka ciidanka iyo soo iibsashada agabka Milatari.

Faallooyin