Shiinaha iyo Kenya oo ka wadahadlay xoojinta xiriirka Ganacsiga

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sabtida maanta ah kulan kula qaatay madaxtooyada Nairobi gudoomiye ku xigeenka xisbiga (NPC) ee dalka Shiinaha.

 

Kulankaan ayaa yimid kadib markii Kenyatta uu casuumaad u fidiyay Mr Cao Jianming.



Labada dhinac ayaa kulankooda diirada ku saaray ka hadalka arimaha ganacsiga iyo xoojinta xiriirka u dhaxeeya Shiinaha iyo Kenya.



Kenyatta ayaa u sheegay Mr Cao in kenya shixnadaha ganacsi ay u dhoofiso shiinaha uu ka badan Ken shiinah uu keeno dalkiisa,waxaana uu dalbaday in la isku dheeli Tiro.



Mr Cao ayaa sheegay in uu diirada saari doono uu wax ka qabto tabashada Kenya ganacsi shixnado badana ay ka dhoofsan Doonaan.

Faallooyin