Dad ku dhintay weerar ka dhacay waqooyiga Afghanistaan

Ugu yaraan lix ruux ayaa ku dhintay halka tiro 50 ka badan na ay ku dhaawacmeen kadib weerar xoogan oo kooxda Taalibaan ku qaaday waqooyiga magaalada Kunduz ee dalka Afghanistaan.


Maxamed Yuusuf Ayuubi madaxa gobolka Kunduz ayaa sheegay in dagaalyahanada ay dhowr jiho daqiiqado kooban ay ka soo weerareen Sabtida Maanta.

Boqolaal ruux ayaa ka barakacay guryahooda iyadoo dhawaq iyo rasaas xoogan laga maqlay,sida ay tabisay wakaalada wararka ee
Associated Press.

Dhanka kale agaasimaha Isbitaalka Kunduz Naciim Mangal ayaa uu sheegay AFP in ugu yaraan sideed ruux ay ku dhinteen halka 62 kalena ay ku dhaawacmeen.

Kooxda Talibaan ayaa sidoo kale jimcihii shalay sheegatay mas,uuliyada weerar shalay lagu qaaday xarunta dhexe ee degmada bari ee gobolka Nangarhar.


Weerarkaan ayaa lagu dilay laba askari oo ka tirsan kooxda Taalibaan sida uu sheegay afhayeenka barasaabka Nangarhar Attahullah Khogyani.

Faallooyin