Milatariga Suudaan oo wadahadal la bilaabay xisbiyada Mucaaradka

Gudiga Milatariga Suudaan ee haya talada ayaa wadahadal la bilaabay qaban qaabiye yaasha banaanbaxyadii ka dhacay suudaan oo xilka looga tuuray Cumar Xasan Al-Bashiir oo mudo Maamulayay.


Kulanka sabtida maanta ayaa yimid kadib markii madaxa gudiga milatariga Suudaan Cabdi Fatah Al-Burhaan uu balan qaaday in uu talada gacanta u galin doono mudo laba Sano ah.



Al-Burhaan ayaa tilmaamay inta ka horeysa mudadaas ay la tashiyo la sameyn doonaan xisbiyada Mucaaradka.



Xilli uu ka hadlayay Tv-ga qaranka ayuu sheegay in uu wadahadalka ku marti qaadi doono dhamaan xisbiyada mucaaradka ururada bulshada rayidka Suudaan.



Milatariga Suudaan ayaa Khamiistii xilka ka tuuray Al-Bashiir oo maamulayay mudo 30 sano ah kadib afar bilood oo banaanbaxyo balaaran ay ka socdeen Dalkaas.

Faallooyin