Kenya oo dhagaha ka fureysatay soo jeedin ka timid dhaqaatiirta lagu afduubtay Mandera

Wasiirada arimaha dibeda Kenya ayaa xaqiijisay in ay xiriir la sameysay dhigeeda Kuuba kadib laba dhaqtar oo shalay lagu Afduubtay magaalada Banisa ee ismaamulka Mandera.


Dr Assel Herera Correa, iyo Dr Landy Rodriguez ayaa dabley hubeysan waxay ka qafaasheen gudaha magaalada xilli ay ku wajahnaayeen isbitaalka qeybta Afaaad ee Banisa.


Ms Juma ayaa u xaqiijisay dowlada Kuuba in Kenya ay wado dadaal waliba oo lagu soo badbaadinayo nolosha howlwadeenadan Caafimaad.


Dhanka kale sargaal diiday in magaciisa la xuso ayaa jaraa,idka Nation ee ka soo baxa Nairobi u xaqiijiyay in dhaqaatiirtaan ay marar badan dowlada kenya u gudbiyeen in ay ka baqdin qabaan Amnigooda.


Waxay dalbadeen in la siiyo ilaalo badan ama hoy looga sameeyo gudaha isbitaalka inkastoo xukuumada Nairobi ay ka Gaabsatay.



Dhanka kale waxaa kulan looga hadlayo adkeynta amniga xadka Kenya iyo soomaaliya uu ka dhacay magaalada Banisa waxaana ka qeyb qaatay isku duwaha amaanka waqooyi Bari Kenya Maxamuud Birik.

Faallooyin