Yuweri Museveni oo u loolami doona doorashada Uganda

Xisbiga haya talada Uganda ee NRM ayaa ku dhawaaqay in ay soo xusheen in madaxweyne Yoweri Museveni in uu sii wato hogaaminta xisbiga doorashada sanadka 2021-da.



Kadib kulan ay ku qaateen degmada Kyankwanzi xubnaha baarlamaanka ee matala xisbiga haya talada ayaa waxay isla garteen in Museveni uu markii lixaad loolamo.



Afhayeenka xisbiga NRM Rogers Mulindwa, ayaa war saxaafadeed uu soo saaray axadii shalay sheegay in waxyar kadib markii ay kulanka ay qaateen si deg deg ah xoghayaha xisbiga Justine Kasule uu qalin ku duugay Go,aanka.



Xisbiga mucaaradka ayaa marar badan ku dhaliilay in Madaxweyne Museveni uu yahay kaligii taliye loona baahan yahay in uu xafiiska ka tago.

Faallooyin