Kumanaan ruux oo ku go,doonsan deegaanka baaquus iyo duqeyn wali ka socota

Ciidanka Kurdida ee la magac baxay Jabhada Dimuquraadiga Suuriya ayaa sheegay in wali kumanaan ruux oo rayid ah ay wali ku go,doon san yihiin deegaanada ay gacanta ku hayaan.



Dagaal xoogan ayaa mudo todobaadyo ah ka holcaya deegaanka Baaquus oo ay gacanta ku heyso daacish waxaana socda duqeymo cirka iyo dhulka ah oo magaalada ay ka geysanayaan ciidanka Mareykanka iyo kuwa SDF.


Todobaadyadii la soo dhaafay ayey aheyd markii dad rayid ah oo ku sugnaa deegaan ka baaquus ay isaga soo barakaceen.


Kooxda Daacish ayaa ku mitideysa dhulkaan u dhaxeeya xadka suuriya iyo Ciraaq.



Maalintii shalay ayey aheyd markii warbaahinta gudaha Suuriya ay soo tabisay in holac iyo qiiq xoogan laga arkayo deegaanka Baaquus oo ay gacanta ku heyso wali kooxda Daacish.

Faallooyin