Booliska Holand oo shaaciyay ninkii ka danbeeyay weerar-ka Utrecht

Gudoomiyaha magaalada Utrecht Jan von Zanen ayaa sheegay in sadex ruux ay ku dhinteen weerar nin hubeysan uu maanta rasaas ku furay Tareen marayay magaalada oo ah nooca ku shaqeeya Korontada.

laamaha amniga Holand ayaa goor dhow gacanta ku dhigay ninkii ka danbeeyay weerarkaan kaasi oo asal ahaan ka soo jeeda wadanka Turkiga oo magaciisa lagu sheegay Gokman Tanis oo 37 Jir ah.

Dhanka kale Booliska ayaa sheegay in ay baarayaan waxa dhaliyay in uu weerarkaan geesto ninkaan inkastoo war saxaafadeed ka soo baxay maayarka magaalada uu ku sheegay weerar Argagixiso.


Waxaa sidoo kale laga cabsi qabaa in dhaawacyada qaar oo xaaladooda ay halis tahay in ay u dhintaan.

Arintaan ayaa walaac ku abuurtay dadka muslimiinta iyo soomaalida ku dhaqan dalka Holand iyo dowlada ay xirtay masaajida iyo goobaha kale oo ay ku cibaadeystaan Muslimiinta.

Weerarkaan ayaa ku soo aadaya sadex maalin ka dib weerar lagu qaaday laba masaajid oo ku yaal dalka New Zealand oo Jimcihii lagu dilay 50 Ruux.

Faallooyin