Tirada dadka ku dhintay duufaanta ku dhufatay Mozambique oo Korortay

Madaxweynaha Mozambique Filipe Nyusi ayaa sheegay in cabsi laga qabo in 1000 ruux ay ku dhinteen duufaanta Idai ee ku dhufatay dalkiisa xilli uu la hadlay warbaahinta Qaranka isniinta Maanta.

Saraakiisha dowlada ayaa xaqiijiyay in maanta la diiwaan galiyay dhimashada 84 ruux balse madaxweyne Nyusi ayaa sheegay in wali ay isoo tarayaan qasaaraha dhimashada ee laga soo tabinayo guud ahaan Mozambique.


Tani ayaa ka macneysan in tirada dhimashada ee guud ahaan ay hada tahay 215 kadib duufaanta todobaadkii hore ku dhufatay bartamaha Mozambique ka hor inta aysan u gudbin wadamada Zimbabwe and Malawi.


Hey,ada laanqeyrta cas ee Red Cross ayaa dhankeeda sheegtay in Mozambique iyo Malawi ay ku dhinteen 126 ruux.

si kastaba ha ahaatee waxaa laga digayaa saameynta duufaano hor leh iyadoo kumanaan ruux ay ku barakaceen dalalkaan.

Faallooyin