Dowlada Holand oo ka hadashay weerar toogasho ah oo ka dhacay magaalada Utrecht

Hal ruux ayaa ku dhintay halka tiro kale ay ku dhaawacmeen kadib markii nin hubeysan uu toogasho ka geestay goob mashquul badan oo ku taal bartamaha magaalada Utrecht ee dalka Holand.


Goob jooge ayaa u sheegay warbaahinta RTV in falkaan uu ka dhacay xaafada Oktoberplein halkaasi oo lagu weeraray dad saarnaa Tareen nooca ku socdo Korontada.


Booliska ayaa dhanka kale sheegay in ay ku raad joogaan ninka weerarka geestay iyadoo laamaha amniga ay sheegeen in weerarkaan uu u muuqdo mid argagixiso.


Dhanka kale ciidanka amniga Holand ayaa isku gadaamay dhisme la aamin san yahay in uu ninkaan ku dhuumaaleysanayo.


War goor dhow ka soo baxay wasaarada amniga Holand ayaa lagu xaqiijiyay in dableyda weerarkaan geestay ay dhan yihiin afar ruux walow si rasmi ah aan loo xaqiijin.

Faallooyin