Shiinaha oo diiday qaraar la doonayay in cunaqabateyn lagu saaro hogaamiyaha Jeysh Muxamed

Dalka shiinaha ayaa dib u dhigay codsi ka yimid dalalka Britain, Faransiis-ka iyo Mareykanka taasi oo la xiriirta in cunaqabateyn la saaro hogaamiyaha kooxda Jeyshu Muxumad ee dalka Pakistaan.


Mascuud Azhar ayaa lagu eedeeyay in uu mas,uul ka ahaa weerar ismiidaamin ahaa oo ka dhacay bishii hore ismaamulka Kashmir qeybta hindiya oo lagu dilay 42 askari.



Shiinaha ayaa sheegay qaraarka ay soo bandhigeen xubnahaan ku jira golaha amniga in ay u baahan tahay in waqti dheer la siiyo si go,aan looga gaaro.


Waa markii sadaxaad oo shiinaha uu diido qaraar la hor keenay golaha amaanka kaasi oo lagu codsanayo in liiska Argagixisada lagu daro hogaamiyaha Ururka Jeysh Muxamad Mascuud Azhar.



Sanadihii 2016-kii iyo 2017 ayey aheyd markii dowlada Shiinaha ay ka hor timid qaraar ceynkani oo kale ahaa.

Faallooyin