Dad ku dhintay toogasho ka dhacday wadanka Brazil

Ugu yaraan sideed ruux ayaa ku geeriyootay toogasho ka dhacday iskuul lagu hoose oo ku yaal meel u dhow magaalada Sao Paulo ee dalka Brazil, sida ay sheegeen ciidanka milatiriga ee u tababaran qaabka Booliska.


Falkaan oo dhacay xilli hore ee arbacada maanta ayaa timid kadib markii laba nin oo dhalinyaro ah oo wata hub iyaga oo gudaha u galaya dhismaha ka hor inta aan laga maqlin Rasaas xoogan.


Booliska Brazil ayaa dhanka kale sheegay in labada nin ee weerarkaan ka danbeeyay ay is dileen.

Tirada dadka la dilay ayaa lagu sheegay in ay tahay sideed ruux oo ay ka mid yihiin Arday halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.


Dalka Brazil oo dhaca qaarada koonfureed ee Ameerika ayaa waxaa ku badan falal danbiyeedyada la xiriira dilalka ceynkaan kaasi oo loo sababeeyo hubka sharci darada ah ee yaal dalkaas.

Faallooyin