Baarlamaanka UK oo haa iyo maya isku waafaqi hanaanka ay uga baxayaan Midowga Yurub

Xildhibaanada baarlamaanka Uk ayaa isku raaci waayay wax heshiis arbacadan maanta kadib markii cod loo qaaday ka bixitaanka midowga Yurub ee UK.


Mudanayaasha oo dood ka yeeshay atintaan ayaa isku waafaqi waayay in qaab heshiis ah looga baxo iyo in heshiis la,aan ay UK si gooni ah uga istaago ka mid ahaanshiyaha Midowga Yurub.


Arintaan ayaa dib u dhac ku keeni karta fursada ay UK uga baxeyso midowga dalalka midowga Yurub.


Mudanayaasha soo xaadiray ayaa 312 ka mid ah ay u codeeyeen haa halka 308 kalena ay maya dhaheen.


Shalay ayey aheyd markii baarlamaanka UK uu ka hor yimid hanaanka ay Theresa May u wado ka bixitaanka Midowga.

Faallooyin