Madaxii hore ee dhanka Ololaha doorashada Trump oo xabsi lagu Xukumay

Madaxii hore ee dhanka ololihii doorashada madaxweyne Donald Trump Paul Manafort ayaa lagu xukumay 73 bil oo xabsi ah kadib markii lagu helay laba danbi oo ah doorkii uu ku lahaa faragalinta ay dowlada Ruushka ku laheyd doorashadii 2016-ka.


Garsooraha maxkamada Mareykanka Amy Berman Jackson ayaa sheegay in xukunkaan uu isla maanta dhaqan galayo waxaana xukunkaan uu imaanayaa iyadoo todobaadkii hore danbiyo kale loo maxkamadeeyay.
.

Manafort, oo ah la taliye dhanka siyaasada ee xisbiga Jamhuuriga ayaa raali galin ka bixiyay danbiga uu galay waxaana uu codsaday in la cafiyo intii ay socotay Maxkamadeyntiisa.


Waxaa uu yiri isaga oo ku sugnaa gudaha maxkamada waxaan ka xumahay dhamaan danbiyadii aan ka Galay Dalka.

Faallooyin