Donald Trump oo soo saaray amar mamnuucaya diyaarada Boeing

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa soo saaray amar deg deg ah oo lagu mamnuucayo dhamaan diyaaradaha noocoodu yihiin Boeing 737 MAX 8 and MAX 9.



Isaga oo warfidiyeenada kula hadlayay arbacadan maanta ah ayaa waxaa uu sheegay in aan la adeegsan karin diyaaradahan ilaa amar danbe.


Go,aanka Trump ayaa imaanaya iyadoo dhowr wadan ay joojiyeen adeegsiga diyaaradaha Boeing oo lagu farsameeyay gudaha Mareykanka.


Axadii todobaadkan ayey aheyd markii diyaarada Boeing 737 oo ay leedahay shirkada Ethiopian Airlanes ay ku burburtay meel qiyaastii 60 kiilo mitir u jirta caasimada Addis Ababa.


Shilkaan ayaa waxaa ku dhintay 157 qof oo ka soo jeeda 35 dal oo ku yaal caalamka.

Faallooyin