Daacish oo u muuqata in looga adkaaday dagaalka ka socda Suuriya

Ciidanka dimuquraadiga Suuriya ee loo soo gaabiyo (SDF) ayaa sheegay in ay ku dhow yihiin in laga taqaluso gabi ahaan ba dagaal yahanada la magac baxay kooxda Daacish ee ku sugan Suuriya iyo Ciraaq.


Arbacada maanta ah ayaa deegaanka baaquus waxaa laga maqlayay dhawaqa madaafiic xoogan iyadoo ay barbar socdeen duqeymaha ay geysanayaan diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee taageeraya ciidanka Kurdida.


SDF ayaa dhanka kale sheegtay in ku dhowaad 3,000 oo ka tirsan dagaal yahanada daacish iyo qoysaskooda ay isku soo dhiibeen ilaa maalintii Isniinta.


Kino Gabriel, oo ah afhayeenka dhanka howlgalada SDF ayaa sheegay in is dhiibitaanka dagaal yahanadan ay natiijo wanaagsan u tahay soo afjarida kooxda Daacish.

Faallooyin