Dhimasho badan oo laga cabsi qabo in ay ka dhalatay dhisme ku dumay dalka Nigeria

Ku dhowaad 100 caruur ah ayaa laga cabsi qabaa in ay qaarkood wali ku hoos jiraan dhismo iskuul sadex dabaq ka kooban oo ku yaal magaalada Lagos ee caasimada Nigeria.



Barasaabka ismaamulka Lagos ayaa arbacada maanta ah u sheegay in qaar ka mid ah ardada ay dhinteen,balse ilaa iyo hada si rasmi ah looma shaacin.
.



Barasaab ka Akinwunmi Ambode ayaa sheegay in ilaa iyo hada la soo samatabixiyay oo kaliya 25 ruux.


Hey,ada laan qeyrta cas ee Red Cross iyo ciidamada Booliska Nigeria ayaa iyagana wada samata bixinta arday looga cabsanayo in ay ku hoos jiraan dhismaha burburay.

Faallooyin