Dowlada Itoobiya oo aan awoodin in dalkeeda ay ku baarto sanduuqa madow ee diyaarada Boeing

Dowlada Itoobiya ayaa sheegtay Arbacada maanta ah in sanduuqa madow ee diyaaradii axadii burburtay ay u diri doonto mid ka mid ah dalalka Yurub si baaritaan loogu Sameeyo.



Burburkii todobaadkii hore ee diyaarada Itoobiya Airlines ayaa dhalisay walaaca iyo shakiga laga qabo diyaarada nooceedu yahay  Boeing 737 ee lagu soo farsameeyay Mareykanka.

Afhayeenka diyaarada Itoobiya mr Ashrat Begashow ayaa wakaalada warar ka ee AP u sheegay in aysan heysan qalabkii lagu baari lahaa cilada dhalisay shilkaan sidaa darteedna ay dantu biday in ay maciinsadaan wadamada Yurub ee saaxiibka la ah Itoobiya.


Waa markii labaad oo in ka yar lix bilood ay burbur qasaare nafeed dhaliyay ay ka dhalato diyaaradan noocaan.


Wadamada ku yaal caalamka oo ay ku jiraan dowladaha quwadaha leh ayaa hakiyay adeegsiga diyaaradan halka kuwa kalena ay diideen in garoomadooda ay soo caga dhigtaan.


Dhanka kale waxaa aas loo sameeyay muwaadiniin u dhalatay Itoobiya oo ka mid dadkii ku dhintay shilkii diyaarada Itoobiya.


Xukuumada Adis ayaa xaqiijisay in 157 ruux ay ku dhinteen shilkaan diyaaradeed kuwaasi oo u dhashay 35 dal oo ku yaal dalalka Caalamka.

Faallooyin