Mareykanka oo jaraya dhaqaalihii uu siin jiray Kenya

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in miisaaniyada Mareykanka uu u qoondeeyay wadamada dibada laga jaray gargaarkii la siin jiray Kenya.


Arintaan ayaa qeyb waxay ka tahay dhaqaalaha Mareykanka uu siin jiray wadamada Afrika oo uu Trump ka saaray miisaaniyada dowlada.


Kenya ayaa Mareykanka sanad waliba ka heli jirtay malaayiin lacageed oo loo adeegsan jiray mashaariic hormatineed iyadoo sanadkii la soo dhaafay 102 millionĀ  oo Dolar ka Mareykanka.


Miisaaniyad jaristaan ayaa bilaaban doonto sanadka soo aadan ee 2020-ka.


Dhaqaalaha Gargaarka Mareykanka ee dibada ee dowlada Kenya ka hesho ayaa badi waxaa loo isticmaali jiray dhanka caafimaadka gaar ahaan daaweynta cudurka HIV AIDS-ka.

Si kastaba ha ahaatee donald Trump ayaa sheegay in sababta ay dowladiisa u jareyso dhaqaalaha ay siiso wadamada Afrika ee ka hooseeya saxaraha ay tahay sidii dalalkaan ay isugu filnaan lahaayeen.

Faallooyin