Baarlamaanka Uk oo ka hor yimid qaabka uu u socdo ka bixitaanka Uk ee Midowga Yurub

Baarlamaanka UK ayaa diiday markale qorshaha ka bixitaanka midowga Yurub ee Ra,isul wasaare Theresa May qaabka ay u wado.


Xildhibaanada aqalka hoose ayaa talaalada maanta 391 ka mid ah oo codkooda dhiibtay 242 ka mid ah waxay u codeeyeen Maya.


Natiijadaan ayaa ka dhigan in markii labaad wax ka yar laba bilood ay wajaheyso Therese May guul daro ku aadan hanaanka ay u qorsheysay ka bixitaanka midowga Yurub oo baarlamaanku aysan ku Qancin.


Si kastaba ha ahaatee maalinta Arbacada ah ee Berito ayaa baarlamaanka Uk waxay u codeyn doonaan hadii heshiis la,aan ay uga baxayaan midowga Yurub iyo hadii kale.



Uk ayaa qorshuhu ahaa in ay ka baxdo yurun dabayaaqada Bishan aynu ku gudo jirno.

Faallooyin