Mareykanka oo balan qaaday in Kenya uu ka taageeri doono xoojinta Amniga

Safiirka cusub ee Mareykanka ee dalka Kenya Kyle McCarter ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu si wanaagsan howshiisa u Guto.



Carter ayaa kulan kula qaatay madaxweynaha Kenya Uhuru xarunta madaxtooyada Nairobi ayaa waxaa uu sheegay in uu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada dal ka shaqeynta amniga iyo la dagaalanka Argagixisada.



Kenya iyo Mareykanka ayaa ah laba dal oo dagaal xoogan kula jira Ururka Al-Shabaab ee ku sugan gudaha dalka.



Safiirka shaqada ka tagaya ee Robert Godec ayaa mudadii uu ku sugnaa Kenya waxaa uu marar badan sheegay in Mareykanka uu Kenya ku garab taagan yahay la dagaalanka Al-Shabaab.

Faallooyin