Macron iyo Kenyatta oo ka wada hadlaya xoojinta xiriirka Faransiiska Kenya

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa arbacada bari ah la filayaa in uu ku marti galiyo dhiggiisa Faransiis-ka Emmanuel Macron xarunta madaxtooyada magaalada Nairobi.

Labada hogaamiye ayaa booqan doona qeybo ka mid ah bartamaha magaalada gaar ahaan wadada Xeyla Selasse ka hor inta aysan qanan shir jaraa'id oo wadajir ah.


War saxaafadeed caawa ka soo baxay xarunta madaxtooyada Nairobi ayaa lagu sheegay in waxyaabaha laga hadlayo ay ka mid tahay xoojinta xiriirka Faransiis-ka iyo Kenya.

Dhanka kale xukuumada Paris ayaa gacan ka geysan doonta mashruuc lagu hormarinayo garoonka Jomo Kenyatta.

Safiirka Faransiiska u jooga Nairobi  Aline Kuster ayaa bishii hore sheegay in booqashada Macron ay tahay mid lagu xoojinayo xiriirka iyo danaha labada Dal.



Faallooyin