Uk oo joojisay isticmaalka diyaarada Boeing 737

Waaxda badbaada rayidka ee dowlada UK ayaa ka mamnuucday isticmaalka diyaarada Boeing 737 gudaha UK kadib amar ay soo saartay.
Go,aankaan ayaa yimid kadib markii diyaarada nooceedu ahaa Boeing Max 8 oo ay laheyd shirkada Ethiopian Airlines axadii burburtay taasi oo ay ku dhinteen 157 qof.


Waa shilkii labaad oo qasaare nafeed geesta wax ka yar shan bil oo diyaarad nooceedu yahay  Boeing ka dhasha.



Dowlada Ingariiska ayaa ka mid noqoneysa wadamada Malaysia, Singapore, Shiinaha iyo Australia, oo dhamaantood mamnuucay adeegsiga diyaaradan.


Waaxda badbaadada rayidka UK ayaa ugu danbeyn sheegtay in ilaa iyo amar danbe aan la isticmaali doonin diyaarada Boeing.


Amarkaan ayaa sidoo kale qaban doona shirkada Tui Airways iyo  Norwegian oo labaduba u adeegsada howlahooda duulimaad ee gudaha Uk diyaarada Boeing.

Faallooyin