Qaramada midoobay oo sheegtay in 500 oo ruux lagu dilay Congo

Baarayaasha qaramada midoobay ayaa sheegay in wadanka Dimuquraadiga Congo in bishii May ee sanadkii 2018-kii ay ka dhacday xadgudub ka dhan ah xuquuqda Aadanaha.


Waxay sheegeen in ugu yaraan 500 oo ruux lagu dilay kuwaasi oo ay ku jiraan qoysas iyaga oo nool guryahooda lagu gubay waxaana ka mid ahaa wiil yar oo laba Jir ahaa.


Colaada iyo weeraradan ku saleysan dhanka qowmiyadeed ayaa yimid kadib markii mid ka kamid oday dhaqameedyada deegaanka oo geeriyooday ay qowmiyad kale diiday in lagu aaso dhulkooda.


Qaramada midoobay ayaa dhanka kale sheegtay in hubaanti la,aan ay tahay in markale colaada ay soo laaban Karto colaada Batende iyo Bananu.



Ugu danbeyn baarayaasha qaramada midoobay ayaa war saxaafadeedka talaadada maanta ah ku xaqiijiyay in dagaal culus oo qasaaro geestay uu dhexmaray labada qowmiyadooda bilihii November iyo December ee dabayaaqada sanadkii Hore.

Faallooyin