Wadahadalada Mareykanka iyo Talibaan uga socda Dooxa oo hormaro laga Gaaray

Dowlada Mareykanka iyo ururka Talibaan ee ka dagaalama dalka Afghanistaan ayaa wadahadalada uga socda magaalada dooxa waxaa uu galay maalintii 16-aad iyadoo ilaa hada aan wax heshiis ah laga Gaarin.


War saxaafadeed siyaabo kala duwan uga soo baxay labada dhinac ayaa waxaa lagu shaaciyay in ay u riyaaqsan yihiin wadada dheer ee wada xaajoodka taasi oo hormaro kala duwan laga gaaray.


Waxyaabaha la isla gartay ayaa waxaa ka mid ah ka bixitaanka ciidanka Ajnabiga ah xaqiijinta dhanka nabada iyo arimo kale.



Zalmay Khalilzad, oo ah argeyga dhanka nabada ee dowlada Mareykanka ee Afghanistan, ayaa sheegay waxyaabo badan oo quseeya dhanka nabada la isla meel dhigay.


Talinaan iyo Mareykanka ayaa ka wada hadlaya afar qodob oo kala ah arimaha Argagixisada ka bixitaanka ciidanka Ajnabiga xabad joojinta iyo in la sameeyo wadahadal Nabadeed.


Khalilzad ayaa sheegay in labo ka mid ah qodobadaan la isku raacay in kasta oo wali aan qalinka lagu Duugin.

Faallooyin