Laba ruux oo loo heesto dilka haweeney u dooda xuquuqda dadka madow oo lagu xiray Brazil

Laba Askari oo ka tirsanaa ciidanka booliska Brazil ayaa xabsiga la dhigay talaadada maant kuwaasi oo lagu eedeynayo in sanadkii la soo dhaafay ay dil u geesteen haweeney u dooda xuquuqda dadka Madow.


Raga loo heesto dilka Marielle Franco iyo darawalkeeda Anderson Gomes ayaa durbaba lagu bilaabay baaritaan ku aadan dilkii ka dhacay Rio De Jinerio.

War saxaafadeed ka soo baxay ciidanka booliska Brazil talaadadan ayaa dhanka kale lagu xaqiijiyay in xabsiga lagu haynayo Ronnie Lessa iyo Elcio Vieira de Queiroz.

Arintaan ayaa imaaneysa iyadoo la xusay laba maalin ka hor sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegtay dilkii Marielle Franco.

Faallooyin