Ciidanka Amniga Israel oo xiray wadooyinka gala Masaajidka Al-Aqsaa

Milatariga Israel ayaa xiray dhamaan wadooyinka gala masaajidka Al-Aqsaa ee ku yaal magaalada Jerusalam ee dalka Falastiin.



Arintaan ayaa caro xoogan ku abuurtay dadka ku cibaadeesta masaajid sida uu mid ka mid ah culimada masaajidka u sheegay warbaahinta.

Tiro ka mid ah ciidanka amniga Israel ayaa is hor dhoobay dhismaha masaajidka sida uu sheegay afhayeenka gudiga culimada.



Sida laga soo xigtay agaasimaha al-Dibs,Omar Kiswani, imaamka lagu magacaabo Sheikh Wasef al-Bakri, oo ah madaxa imaamyada magaalada Jerusalam ayaa ka mid noqday dadka ay xadgudubka kula kaceen ciidamada.


Dadka la xiray ayaa tiradoodu dhan tahay 5 ruux waxaana ciidanka booliska Isreal sheegeen in ay sameeyeen falal amniga ka baxsan baaritaan na ay ku sameyn Doonaan.

Faallooyin