Masar oo sheegtay in uu socon doono howlgalka gobolka Siinaay

Wasaaeada arimaha gudaha dalka Masar ayaa shaacisay in ay sii wadi doonto howlgalka ka socda gobolka Siinaay ee dhaca waqooyi masar halkaasi oo dowlada qaahira ay sheegtay in lagu dilay ku dhowaad 20 dagaalyahan.

Masar ayaa sheegtay in dagaalamayaashaan ay qorsheynayeen weeraro ka dhan ah dad rayidka ah balse laga hortagay.

Masar ayaa tan iyo bilowgii bishii Febraayo ee 2017-dìi howlgalo xoogan ka waday Siinaay kadib qaraxyo lagu hoobtay oo ka dhacay masar dabayaaqadii 2016-kii.

Dhowaan ayey aheyd markii tv laga leeyahay dalka Mareykanka uu wareestay madaxweynaha Masar Cabdi Fatax Siisii uu ku qirtay in gobolka Siinaay ay joogaan ciidamo ka tirsan Isreal.

Faallooyin