Kooxda daacish oo lagu eedeyay in gabaad ay ka dhiganayaan rayidka ku nool Baaquus

Hey,ada u dooda xuquuqda aadanaha ee qaramada midoobay ayaa ku eedeysay dagaalyahanada daacish in gabaad ay ka dhiganayaan dadka rayidka ah ee ku sugan degaanka ay ka socoto colaada bariga Suuriya.

Haweeneyda lagu magacaabo Michelle Bachelet ayaa war saxaafadeed ka soo baxay maanta waxay ku sheegtay in arintaan ay tahay danbi dagaal oo ka dhan xuquuqda aadanaha.

Kooxda dàacish iyo dagaal yahanada la magac baxay ciidanka dimuquraadiga suuriya ayaa dagaal faraha looga gubtay mudo todobaad ah waxuu ku dhexmarayaa deegaanka baaquus ee bariga Suuriya una dhow xadka ciraaq.

Si kastaba ha ahaatee waxaa la ogeyn halka ay ku danbeyn doonto xaalada in ka badan 2,000oo ruux kuwaasi oo ku dhex milmay dagaalyahanada Daacish.

Faallooyin