Iiraan oo shaacisay ninkii ka danbeeyay weerarkii Sistan-Balochestan

Xukuumada Iiraan ayaa shaaca ka qaaday in sargaal sare oo ka tirsanaa ciidanka amniga Pakistaan uu ka danbeeyay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee todobaadkii hore ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan lagu laayay ee ka dhacay gobolka Sistan-Balochestaan.

Maxamud Pakpou oo ka tirsan saraakiisa amniga Iiraan ayaa warbaahinta maxaliga ah ee Iiraan u sheegay talaadada maanta ah in ninka ismiidaamiyay lagu magacaabi jiray Xaafis Maxamed,waxaana weerarkaan ku dhintay 27 askari halka 13 kalena ay ku dhaawacmeen.

Madaxweynaha Iiraan Xasan Ruuxaani ayaa maalmo ka hor wacad ku Maray in Tehraan ay ciqaabi doonto kuwii ka danbeeyay weerarka lagu laayay ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan.

Ruuxaani ayaa sheegay in dalalka Isreal iyo Mareykanka ay ka danbeeyeen kuwaasi oo uu sheegay in ay yihiin cadowga kaliya ee dalkiisa leehahay.

Faallooyin