Maxamed Bin Salmaan oo ka degay magaalada Delhi

Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa gaaray magaalada caasimada ah ee New Delhi ee dalka Hindiya halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga boqor Maxamed ayaa la socday mas,uuliyiin sare oo ka tirsan boqortooyada Sacuudiga kuwaasi oo ay ka mid yihiin maalqabeeno waaweyn.

Ra,isul wasaare Narendra Modi ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada New Delhi ayaa waxaa ku soo dhaweeyay wafdiga dhaxal sugaha kaasi oo la filayo in laba maalin uu ku sii sugnaado Sacuudiga.

Labada maalin ee soo socota ayaa waxaa labada dal ee ka tiraan qaarada aasiya la filayaa in ay kala saxiixdaan heshiis ganacsi iyo iskàshiga labada dal ee dhanka amniga.

Sacuudiga ayaa sanadihii danbe waday xoojinta xiriirka uu la leeyahay wadamada dhaca qaarada aasiya.

Faallooyin