El Chapo oo lagu helay in si qarsoodi ah uu daroogo ku geeyay Mareykanka

Maxkamada dhexe ee Federaalka Mareykanka ayaa ku heshay ninka lagu magacaabo El Chapo de Guzman in si aan sharci aheyn dalka Mareykanka uu ku galinayay daroogada sharci darada ka ah mudo ka badan 10 sano. 

De Guzmaan oo ay ilaalo xoogan ka hayaan ciidanka amniga Mareykanka ayaa la soo taagay maxkamada Federaalka waxaana garsoorka maxkamada ay sheegeen in loo soo bandhigay in sanadkii 2007-dii ilaa sanadii 2017-dii uu Malaayiin doolar ka sameeyay ka ganacsiga daroogada. 

Dhanka kale waxaa lagu eedeyay in uu ku kacay falal musuq maasuq ah si daroogada uu ka soo gudbiyo xadka Mexico uu u gaarsiiyo Mareykanka. 

De Guzmaan oo lixdan jif ah ayaa lagu xiray gudaha Mexico sanadkii 2017-dii ka hor inta aan loo soo gudbin Mareykanka oo hada ay ka socoto Maxkamadeyntiisa. 

Danbiga hor dhaca ah ee lagu helay ayaa laga yaabaa in uu ku muteysto xabsi inta ka dhiman Noloshiisa. 

Faallooyin