Guaido oo ku dhawaaqay waqtiga gargaarka Mareykanka la gaarsiin doono Venezuela

Hogaamiyaha Mucaaradka dalka Venezuela Juan Guido ayaa ku dhawaaqay in gargaarka uu gaari doono 23-da bishan Febraayo xilli dalkaas uu wajahayo qalalaase siyaaseed kii ugu darnaa ee soo mara taariikhda. 

Shacabka Venezuela ayaa wada dibad bax looga soo horjeedo madaxweyne Nicolas Maduro oo markii labaad xilka loo caleemo saaray kadib doorashadii sanadkii hore oo ay qaadaceen wadamada reer galbeedka. 

Gawaari sida shixnado gargaar oo ka socda Mareykanka ayaa wali ku sugan xadka Colombia iyo Venezuela tan iyo todobaadkii la soo dhaafay kadib markii xukuumada Maduro ay gaashaanka u daruurtay gargaarka mareykanka. 

Isbuuc ka hor ayey aheyd markii dalalka Yurub ay raaceen talaabadii Mareykanka uu ugu aqoonsaday madaxweynaha ku meel gaar ka ah ee Venezuela in uu noqdo hogaamiyaha mucaaradka Juan Guaido. 

Faallooyin