Rayid badan oo lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday gobolka Deyru Zuur

Ugu yaraan 16 ruux oo rayid ah ayaa ku dhimatay duqeyn diyaaradeed oo talaadada maanta ah ka dhacday gobolka Deyru Zuur ee bariga Suuriya. 

Diyaarado. dagaal oo taageeraya dagaal yahanada kurdida ah ee la magac baxay Jabhada dimuquraadiga Suuriya oo dagaal kula Jira kooxda Daacish ayaa bambooyin ku garaacay tuulada baquus oo u dhow degaanada labadii maalin ay ku dagaalamayeen labada dhinac. 

Kooxda daacish ayaa wali ku mitideysa deegaanada u dhow xuduuda suuriya iyo ciraaq waxaana la filayaa in ay sii dagaalamaan maadama dhulkaan uu yahay meel. saxaro ah oo badi aan gabaad laheyn. 

Afhayeenka kooxda SDF Mustafa Bali ayaa sheegay in dagaal xoogan wali uu socdo ayna sii wadi doonaan ilaa kooxda daacish laga saarayo gobolka deyru zuur ee bariga Suuriya. 

Faallooyin