Midowga Afrika oo ku dhawaaqay shir caalami ah oo lagu qaban doono Liibiya

Hogaanka dalada ay ku mideysan yihiin wadamada qaarada Afrika ee loo yaqaan AU ayaa ku dhawaaqay shir caalami ah oo lagu xalinayo amni darada ka dhalatay dagaalka sokeeye ee ka socda dalka Liibiya. 

War saxaafadeed ka soo baxay talaadada maanta ah 55-ta xubnood oo uu ka kooban yahay midowga Afrika ayaa lagu sheegay in shirkaan oo ay iska kaashanayaan Qaramada midoobay iyo ururka Afrika uu ka dhici doono bisha July ee bartamaha sanadkaan magaalada Tripoli. 

Dhanka kale waxaa loogu baaqay xukuumada Liibiya qaramada midoobay iyo midowga Afrika in ay ka qeyb qaataan wax waliba oo suura gal ka dhigi kara doorashada madaxtinimo iyo mida baarlamaaniga ah ee dhaci doonta bisha October ee dabayaaqada sanadkaan. 

Dalka Liibiya ayaa sanadkii 2011-kii cagaha la galay dagaal sokeeye kaasi oo door weyn ay ka qaateen wadamada reer galbeedka, ugu danbeyna xilka looga tuuray madaxweynihii geeriyooday ee Mucamar Al-Qadaafi. 

Faallooyin