Patrick Shanahan oo booqasho aan la shaacin ku tagay dalka Ciraaq

Sii hayaha wasaarada difaaca dalka Mareykanka Patrick shanahan ayaa booqasho aan la sii shaacin talaadada maanta ah ku tagay magaalada caasimada ah ee baqdaad ee dalka ciraaq. 

Ujeedada safarkaan ayaa waxay la xiriirtaa kulamo uu la qaadanayo saraakiil ka tirsan milatariga Mareykanka ee ku sugan dalka Ciraaq iyo sidii loogu kuur gali lahaa howlaha ay ciidanka mareykanka ka wadaan dalkan carbeed ee ku aadan la dagaalanka kooxda daacish. 

Shanaham ayaa u sheegay saxafiyiinta in uu yimid dalka ciraaq sidii loo xoojin lahaa sugida ammiga iyo in ciraaq ay hesho siyaasad ku dheehan deganaan taasi oo mustaqbalka gaarsiin karta in uu noqdo dal hormarsan kana soo kabsada burburka ay keentay colaada. 

Mr Patrick ayaa kulamo la qaatay Ra, isul wasaaraha Ciraaq Caadil Cabdul Mahdi oo uu kala hadlay arimo ay ka mid yihiin ka bixitaanka milatariga Mareykanka ee ku sugan dalka Suuriya. 

Faallooyin