Xasan Ruuxaani oo sheegay in cunaqabateyn-ta Mareykanka aysan burburin karin dowlada Iiraan

Madaxweynaha dalka Iiraan Xasan Ruuxaani ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisa uu sii wado doono hormarinta gantaalaha balaastikada ah oo ayna jirin cid ka hor istaagi karta. 

Hogaamiyaha Iiraan ayaa hadalkaan ka sheegay kadib qudbad isniinta maanta ah uu ka jeediyay fagaaraha xorriyada ee Azadi ee magaalada Tehraan ee caasimada Iiraan oo loogu dabaal degayay sanad guuradii 40-aad ee ka soo wareegtay aas aaska kacaanka islaamiga ah ee Iiraan. 

Dhanka kale waxaa uu sheegay in cunaqabateynta ganacsi ee Mareykanka aysan burburin karin Maamulka Tehraan. 

Dabaal dagii maanta ayaa siyaabo kala duwan uga dhacay magaalooyinka waaweyn ee dalkaas, waxaana socod uga qeyb qaatay mas, uuliyiinta dowlada oo uu hogaaminayay madaxweyne Ruuxaani. 

Faallooyin