Turkiga iyo Ruush-ka oo howlgal milatari ka bilaabaya gobolka Idlib

Dowladaha Turkiga iyo Ruushka ayaa si wadajir ah isugu raacay wax ka qabashada xaalada amni ee gobolka idlib xilli kooxda Taxriir Al Shaam ay wali wado qabsashada deegaano hor leh oo dhaca waqooyiga Suuriya. 

Heshiiska labada dal ayaa yimid kadib kulan isniinta maanta ah ku dhexmaray magaalada Ankara wasiirka difaaca Turkiga Xalusi Akar iyo dhig, giisa Ruushka Sargei Shoigu. 

Turkiga ayaa walaac xoogan ka muujinaya dagaalyahanadan Taxriir Al-Shaam oo xiriir la leh Ururka Al-Qaacida. 

Xukuumada Turkiga iyo Ruushka oo saaxiib dhow la ah dowlada bashar Al-Assad ayaa bishii September ku heshiiyay in goob nabdoon oo ka caagan nabada laga dhigo gobolka Idlib, si qaxootiga Suuriyaanka ah ee ku nool Turkiga ay ugu suura gasho in ay dalkooda ay dib ugu laabtaan. 

Dowlada Suuriya oo garab milatari ka heleysa Ruushka ayaa sheegtay in ay bilaabi doonto howlgal ka dhan ah kooxda Taxriir Al-Shaam ee ku sugaan deegaano dhaca waqooyiga dalkaas. 

Faallooyin