Muwaadiniin u dhashay Australia oo lagu xiray Shiinaha

Qowmiyada muslimiinta ee Uighur ee dalka Australia ayaa soo cusbooneysiiyay baaqyadada ku aadan in la sii daayo dadka ku xiran gobolka Xinjiang ee dalka Shiinaha waxaana ay ugu baaqeen xukuumada Australia in talaabo ay u qaado wax ka qabashada Arintaan. 

Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa dalka Uk ayaa qoray isniinta maanta ah in dowlada shiinaha ay xabsi guri ka dhigtay 17 ruux oo heesta dhalashada Australia oo asal ahaan ka soo jeeda wadanka muslimiinta shiinaha ee gobolka Uighur. 

Dadkaan ayaa markii hore waxay halkaas uga tageen si ay u booqdaan eheladooda oo ku sugan shiinaha balse waxay kala kulmeen xarig laama filaan ah laamaha amniga. 

Nurgul Sawut oo heesta dhalashada Australia una dooda xuquuqda qowmiyada Uighur ayaa ugu baaqay xukuumada Australia in ay wax ka qabato tacadiga ka dhanka ah dadka u xiran shiinaha. 

Faallooyin