Oomaar oo si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Garissa

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar aya si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Garissa ee Xarunta u ah gobolka waqooyi Bari Kenya. 

Mr Oomaar ayaa xalay ilaa maanta kulamo la qaatay madaxda siyaasiiyiinta iyo waxgaradka ku dhaqan Garissa ee ka soo jeeda ismaamulka Jubbaland. 

Xubnaha soo dhaweeyay ayaa waxaa ka mid ahaa Barasaabka Garissa Cali Bunow Qorane xildhibaanka Fafi Cabdikariin Cismaam Ratti iyo barasaab ku xigeenka Garissa Cabdi Muxumed Dhaqane. 

Ujeedada Safar ee Oomaar Ku tagay Garissa ayaa la aaminsanyahay in ay qeyb ka tahay doorashada madaxtinimo ee ismaamulka Jubbaland oo la filayo in dhowaan la qabto. 

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa Culeys xoogan waxaa uu kala kulmayaa doorahsada dhaceysa waxaaana uu isna safar ceynkani oo kale ku yimid dhowaan magaalada Garissa, si uu taageero uga raadsado waxgaradka Jubbalnd ee ku nool Magaalada Garissa. 

Faallooyin