Soomaalida ku dhaqan waqooyi Bari Kenya oo loogu baaqay in ay ka qeyb qaataan Tirakoobka

Shacabka ku dhaqan gobolka waqooyi bari Kenya ayaa loogu baaqay in ay ka qeyb qaataan tirakoobka ka socda Kenya oo lagu ogaanayo tirada dadweynaha.

Arintaan ayaa waxaa looga gol leeyahay sidii miisaan iyo dheeli tir loogu sameyn lahaa dhaqaalaha hormarinta ah oo dowlada Kenya ugu tala gashay deegaanada soo Koraya.


Xildhibaan Aden Bare Ducaale oo laga soo doortay bartamaha degmada Garissa ahna madaxa golaha aqlabiyada baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in arintaan ay muhiim u tahay hormarka waqooyi Bari.

Gobolka waqooyi Bari Kenya oo ay ku nool yihiin soomaalida dalkaas ayaa waxaa uu dhanka hormarka ka liitaa gobolada kale.


Dowladihii hore u soo maray Kenya ayaa lagu dhaliilay in ay ka gaabiyeen mashaariic hormarineed in ay ka fuliyaan Wajer Garissa iyo Mandera.

Faallooyin