Aayatulaahi Cali Khumeyni oo sheegay in hogaanka Mareykanka uu Dhintay

Hogaamiyaha ruuxiga ah ee dowlada Iiraan ayaatulaahi Cali Khumanii ayaa difaacay hadal uu horay u sheegay oo ahaa in Mareykanka uu Geeriyooday.

Khamanii ayaa sheegay in hogaanka uu dhintay balse hadalkiisa uusan ula jeedin shacabka Mareykanka.
Isaga oo ka hadlayay ayaa waxaa uu sheegay in shacabka Iiraan marnaba aysan joojin doonin in ay dhahaan Mareykanka wuu dhintay.

Waxaa uu si gaar ah farta ugu fiiqay Madaxweyne Trump xoghayaha arimaha Dibeda Mike Pompeo,iyo la taliyaha amniga John Bolton hogaan ahaan iyo siyaasad ahaan ay dhinteen.

Ugu danbeyn waxaa uu sheegay in maamulka Mareykanka uu dhintay balse hadalkiisa uusan dhibaato iyo ula jeedo ka dhan ah shacabka uusan aheyn.

Faallooyin