Canada oo xabsi daa,in ku xukuntay nin toogasho ku laayay dad ku sugnaa masaajidka Qubeec

Nin Canadian ah oo dilay lix ruux oo ku sugnaa masaajidka Quebec sanadkii 2017-dii ayaa lagu xukumay xabsi daa,in iyadoo uu xaq u yeelan doono in uu codsado in la sii daayo 35 sano kadib in lagu sharfo in la sii daayo.

Alexandre Bissonnette,oo 29, jir ah ayaa qirtay sanadkii hore in uu geestay lix danbi oo uu ka mid yahay dilka uu u geestay dadkii ku sugnaa Masaajidka.

Garsoore Francois Huot ayaa sheegay in danbiilaha lagu sharfi karo marka uu xabsiga ku qaato 35 ilaa 42 sano in lagu sharfo in la sii daayo.

Balse arintaan xukunkaan ayaa waxaa ka soo horjeestay dacwad oogayaasha oo sheegay in xukunkaan uu yahay mid sahlan.

Faallooyin