Ciidanka argagixiso la dirirka Kenya oo sii daayay shaqsiyaad loo heestay weerarkii Dusit

Ciidanka la dagaalanka Argagixisada Kenya ee loo yaqaan ATPU ayaa sii daayay sagaal ruux oo shan ka mid ah ay ahaayeen saraakiil ka tirsan waaxda wadooyinka Kenya ee loo yaqaan NTSA.

Shaqsiyaadkaan ayaa lagu tuhmay suura galnimada in ay ku lug lahaayeen weerarkii ka dhacay hotelka Dusit ee magaalada Nairobi 15-kii bishii Janaayo.

Laamaha Argigixisa la dirirka ayaa baaray sagaalkan ruux oo looga shakiyay in ay caawiyeen dableydii toogashada ku dishay 21 ruux oo ku sugnaa dhismaha Dusit.

Duncan Ondimu oo ah dacwad soo oogaha dowlada Kenya ayaa sheegay in dadkaan lagu waayay wax cadeymo ah oo ku saabsan in xiriir ay la leeyihiin mashaqadii Dusit.

Ondimo ayaa u sheegay garsooraha maxkamada Nairobi Caroline Nzimbe in booliska aysan daneyneyn in xabsiga ay ku sii hayaan dadkan.

Faallooyin